General Samora Muxammad Yunis oo ah taliyihii hore ee ciidanka difaaca Itoobiya ee xilligii Males zenawi ayaa ku baaqay in la xasuuqo dadka amxaarada ah.
Waraysi cusub oo uu jeneraalkan Tigreega ah bixiyay ayuu nidaamka Abiy Axmed ugu baaqay in uu gacan bir ah kula macaamilo maleeshiyaadka Faano ee Fallaagada ah, kuwaas oo uu ku sifeeyay kuwa halis weyn ku ah amniga qaranka Itoobiya, sida uu hadalka udhigay.
Generaalkan ayaa sidoo kale sheegay in dadka Axmaarada ah ay yihiin kuwa cadow ku ah dadka Tigreegga, sidaas darteed na uu ku baaqayo in la xasuuqo Axmaarada, balse dadka baraha bulshada wax ku qora ee kasoo jeeda qowmiyaddan Axmaarada ayaa generaalka ku eedeeyay in uu masuul ka ahaa xadgudubyo ka dhacay Welkait, Gambella iyo xitaa dhulka Soomaali galbeed ee gumeysiga xabashida ku hoos jira, kuwaas oo lagu kacay xilligii Males Zenawi oo uu ninkan ahaa taliyaha ciidanka.