General Qaanso oo ka mid ahaa saraakiisha kooxda Ridada Soomaaliya ayaa u halaagsamay dhaawac xooggan oo kasoo gaaray camaliyaddii Istish-haadiga ee 26-ka bishii lasoo dhaafay ee Dul-xijjah ka dhacday kasoo horjeedka xarunta wazaaradda gaashaandhigga Riddada, halkaas oo ay mujaahidiintu ku beegsadeen saraakiil ka tirsanaa kooxda Ridada.
Generaalkan murtadka ah oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Maxammed Qaanso, waxaa dhimashadiisa xaqiijiyay saraakiil ka tirsan kooxda Riddada, kaas oo tan iyo wixii ka dmabeeyay markii ay camaliyaddaasi dhacday lagu hayay xarumaha caafimaadka, dhaawaciisa oo ahaa mid culus ayaa ugu dambayn Allaah fadligii keenay inuu u halaagsamo.
Murtad Qaanso, ayaa ka mid ahaa saraakiishii Ridada ee horboodaysay xamlada uu Maraykanku ku iclaamiyay wilaayaadka islaamiga ah ee uu usoo wakiishay murtad Xasan Gurguurte, sarkaalkan ayaana ku biiraya saraakiishii ku bakhtisay camaliyaddii Istish-haadiga ee ka dhacday guriga saraakiisha ee kooxda Riddada.