Waxay ugu yeeraan golaha ammaanka ee urur gaaleedka Qaramada midoobay ayaa fadhi ka yeeshay heshiiskii 1-dii bishii ina dhaaftay ee January lagu kala saxiixday in qayb ka mid ah badda Soomaaliya lagu wareejiyay nasaarada xabashida Itoobiya, heshiiskaas burcadnimada ahaa oo si wayn diidmo uga muujiyeen umadda Soomaaliyeed ee ku kala nool daafaha dunida.
Kulanka golaha ammaanka ee qaramada midoobay oo ka dhacay magaalada New york oo ah xarunta uu ku shaqeeyo ayaa looga dooday, heshiiskii xaaraanta ahaa ee Abiy iyo Muuse ku kala saxiixdeen Addis-ababa, kaas oo dhigayay in Itoobiya la siiyo 20Km oo ka mid ah xeebaha Zaylac iyo Lughaye, waxaana kulankan khudbado kala duwan ergada golaha u fadhisa dowlado ay ka mid yihiin Maraykanka iyo Ingiriiska.
Catriona Laing, oo ah rrgayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada midoobay ee Soomaaliya, ayaa khudbad ay ka jeedisay golaha ku sheegtay in heshiiskaas burcadnimada ay diidmo xooggan ka muujiyeen dadka Soomaaliyeed, taas oo xasan Sheekh ku dhalisay in uusan aamusin oo uu qaylo afka furto. waxay sidoo kale xubnihii ergada ahaa ee halkaas ka hadlay ay isku raaceen in heshiiskaas uu caqabad ku yahay dagaalka ay kula jiraan Mujaahidiinta Al-shabaab.
Waxay sidoo kale Laing sheegtay, in madaxa kooxda Riddada Somalia, murtad Xasan Gurguurte uu bixiyay jawaab debacsan, ayna ku dhiiragelinayso waxay ku tilmaantay jawaab qiyaasan ee uu ka bixiyay heshiiskii badda Somalia lagu siiyay xabashida.
Ugu dambayn waxay ergada ka qayb gashay shirka dooddooda kusoo gabagabeeyeen inay aqoonsanyihiin xuduudda Somalia ayna doonayaan in wadahal lagu dhameeyo xiisadda ka dhex curatay Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo timid kaddib heshiiskii xaaraanta ahaa ee Addis-ababa lagu kala saxiixday.