Wararka ka imaanaya gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in weerar hor leh oo khasaare dhaliyay lagu beegsaday mas’uuliyiin iyo ciidamo katirsan dowladda Federaalka.
Qarax maanta gelinkii dambe ka dhacay meel ku dhow garoonka diyaaradaha Balidoogle ayaa lagu beegsaday kolonyo gaadiid ah oo uu la socday guddoomiyaha Sh/hoose C/qaadir Siidii waxaana ku dhintay sedax askari halka 5 kale ay dhaawacyo soo gaareen.
Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in guddoomiyaha Sh/hoose uu si dirqi ah ku badbaaday balse waxaa gabi ahaanba gubtay gaari nuuca dagaalka ah oo kamid ahaa kolonyadii gelbinaysay mas’uulka labeegsaday.
Qaraxa ayaa ka dhacay meel ku dhow saldhigga Balidoogle oo ay ku suganyihiin saraakiil American ah halkaas oo ay ka haadaan diyaaradaha Drone-ka ee duqeymaha ka geysta deegaanno katirsan Sh/Hoose.