Qarax xooggan oo Mujaahidiintu ka fuliyeen magaalada Muqdisho ayaa lala eegtay mid ka mida guddoomiyeyaasha maamulka Ridada gobolka banaadir kaasi oo ay kasoo baxayaan faahfaahin ku aadan khasaaraha ka dhashay qaraxa.
Qaraxa waxa lala beegsaday kolonyo uu la socday guddoomiyaha maamulka Ridada degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ugu magacaaban kooxda Ridada xilli uu marayay nawaaxiga dekadda magaalada Muqdisho waxaana qaraxaasi ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ilo wareedyo masuul ah ayaa xaqiijinaya in qaraxa uu dhaawac daran kasoo gaaray guddoomiyaha degmada Hodan murtadka lagu magacaabo Cabdi kariin Dhagajuun waxaana weerar dhimasho ku noqday ilaalada murtadka la beegsaday.
Inta la ogyahay labo ka mida ilaalada murtad Dhagajuun ayaa ku halaagsamay qaraxa waxaana sido kale jira burbur ka dhashay qaraxa.
Saacadihii lasoo dhaafay ayay ahayd markii wasiirka deegaanka iyo dalxiiska maamulka Ashahaada la dirirka Jubbaland uu si dirqi ah uga badbaaday isku day dil oo lalal damacsanaa ka dib qaraxa lagula beegsaday gudaha magaalada Kismaayo, halkaas oo ay ku dhinteen 3 ka mida ilaalada wasiirka la beegsaday.
Calamda.com