Ciidamada mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada Banaadir waxay howlgal qorsheysan oo qarax ah la beegsadeen guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda Riddada ee Gobolka Banaadir murtad Ciise Maxamuud Guurre ka dib markii lagu beegsaday isgoyska Fagax ee degmada Yaaqshiid, ilo wareedyo masuul ah ayaa xaqiijiyay in uu si dirqi ah ku badbaaday murtadkan.
Waxay sido kale Ciidamada mujaahidiintu hiirtii hore ee saaka 2 qarax la beegsadeen fariisinka murtadiinta laanta Taleex ee ka tirsan degmada Hodan ee Muqdisho.
Isla Muqdisho Ugu yaraan 3 aslari oo murtadiin ah ayaa si xun ugu dhaawacantay qarax xooggan oo saacadihii lasoo dhaafay ay ciidamada mujaahidiintu la beegsadeen fariisin ciidan oo maleeshiyaadka Riddada ay kaga suganyihiin isgoyska Howlwadaag ee Muqdisho.
Sidoo kale qarax saacadihii lasoo dhaafay maleeshiyaadka Riddada lagula eegtay xaafadda Soona-key ee degmada Hodan waxaa inta la hubiyay ku dhaawacmay 3 askari oo murtadiin ah oo midi sarkaal yahay.
Dhanka kale faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo culus oo saacadihii lasoo dhaafay kolonyo ciidan oo isugu jirta gaalo caddaan ah iyo maleeshiyada murtadiinta la magac baxay Gaashaan lagula beegsaday duleedka deegaanka Ceelasha biyaha ee dhaca duleedka Muqdisho.
Khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee qaraxyadaasi ku gaaray maleeshiyaadka Riddada waa 15 murtad oo 12 ka mid ah dhaawacyo qabaan waxaana dhaawacyada ku jira 4 saraakiil ah oo lagu kala magacaabo -Aadan Geeley oo ah abaanduulaha ururka maleeshiyaadka Riddada Gaashaan, Nuur Suubow oo ah madaxa gaadiidka ee ciidamada Riddada gaashaan, Asad oo ah sarkaal ka tirsan Riddada Gaashaan iyo Ciilow oo ah sarkaal ka tirsan Gaashaan..
Dhanka wilaayaadlka Bakool iyo Sh/hoose waxay ciidanka Shabaabul Mujaahidiin saacadihii lasoo dhaafay dagaallo culus oo toos ah ku ekeeyeen saldhigyada maleeshiyaadka Riddada iyo ciidamada saliibiyiinta xabashida iyo Uganda ay ka deganyihiin degmooyinka Xudur, Qoryooley iyo deegaanka Danow.