Howlgal gaar ah oo ciidamo ka tirsan Mujaahidiinta Al-shabaab galabta ka fuliyeen qaybo ka mida magaalada Beledweyne ayaa lagu khaarajiyay guddoomiye waaxeed ka mid ahaa masuuliyiinta magaaladaas.
Weerarka gaarka ah ee ka dhacay magaalada Beledweyne waxay Mujaahidiintu ku dileen murtad lagu magacaabi jiray Cabdi Kuukaay kaasi oo ahaa guddoomiye ku xigeenka waaxda xaafadda Buunda way nee magaalada Beledweyne.
Maleeshiyaad kale oo murtadiin ah ayaa soo gaaray goobta uu dilkuka dhacay kuwaasi oo goor dambe halkaasi ka qaaday maydka murtadka la dilay iyadoona ay si nabdoon goobta kaga dhaqaaqeen raggii weerarka iqtiyaalka ah fuliyay.
Murtad Kuukaay ayaa dhibaato kala duwan ku hayn jiray dadka rayidka ee ku nool xaafadda Buunda wayn iyo xaafadaha kale ee magaalada Beledweyne, waxaana uu howlgalkani kusoo beegmayaa xilli saacadihii lasoo dhaafay ay ahayd markii weerar kammiin ah oo ka dhacay duleedka deegaanka Shalanbood ee shabeellaha hoose ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen maleeshiyaad murtadiin ah.
Calamada.com