Wararka ka imaanaya degmada Balcad ee gobalka Shabeelada dhexe waxey sheegayaan in duleedka degmadaasi uu ka dhacay weerar khasaara lagu gaarsiiyay maleeshiyaatka dowlada Ridada.
Weerarka waxa uu sigaar ah kaga dhacay agagaarka deegaanka Ceel-geelow oo ka mid ah deegaanada dhaca wadada isku xirta degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobalka Shabeelada dhexe.
Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa weerar culus ku qaaday maleeshiyaat ka tirsan dowlada Farmaajo oo ku sugnaay deegaankaasi,waxeyna wararka qaar sheegayaan in xubnaha ku sugnaay deegaankaasi uu ka mid ahaa Xaadoole oo ah gudoomiyaha Murtadiinta ugu magacaaban degmada Balcad kaasi oo la xaqiijiyay in si dirqi ah kaga badbaaday weerarkaasi.
Inta la xaqiijiyay weerarkaasi waxaa lagu dilay saddex askari,waxey sidoo kale ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin gacanta ku dhigeen Afar qori oo kala ah saddex qori oo ah AK47 booshashkooda iyo hal qori oo Baasuuka ah iyo Bolatoyinkiisa.
Maalmo ka hor isla deegaankaani waxaa lagu dilay Todobo askari oo Burundeys ah saddex gaarina waa laga gubay kadib markii weerar dhabba gal ah loogu dhigay deegaankaasi.
Calamada.com