Wararka ka imaanaya degmada Luuq ee gobalka Gedo waxey sheegayaan in gudaha degmadaasi qarax culus lagula beegsaday gudoomiyaha dowlada Ridada federaalka ugu magacaaban degmadaasi.
Muxamed Xasan Ganeey oo ah gudoomiyaha degmada Luuq ee dowlada federaalka ayaa qaraxa gaarigiisa loogu xiray’iyadoona dhawaaqa qaraxa si aad ah looga maqlay gudaha iyo duleedka degmada Luuq ee gobalka Gedo.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa xaqiijinaya in gudoomiyaha degmada Luuq dhaawac culus uu soo gaaray kaasi oo ay adagtay in xaaladiisa caafimaad wax looga qabto gudaha gobalka Gedo.
Qaraxa waxaa ku dhintay labo askari oo istaafkiisa ka mid ah’sidoo kale waxaa burburay gaarigii uu lahaa gudoomiyaha dowlada federaalka ee degmada Luuq ee gobalka Gedo.
Calamada.com