Wararka laga helayo degmada Garoowe ee gobalka Nugaal ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay duleedka degmadaasi uu ka dhacay shil gaari oo sababay khasaara kala duwan.
Shilka ayaa yimid kadib markii uu rogmaday gaari uu lasocday Mukhtaar Mahad oo ah gudoomiyaha maamulka Ashahaado la dirirka Puntland ugu magacaaban gobalka Sool.
Gudoomiyaha ayaa la xaqiijiyay inuu shilka gaari ku halaagsamay waxaa sidoo kale shilkaasi ku dhintay mid ka mid ah ilaaladiisa gaarka ah.
Maamulka Puntland ayaa qeyb ka ah maamulada daba dhilifyada ah ee dowlada Xabashida Itoobiya ka dhisatay dalka Soomaaliya.
Calamada.com