Wararka ka imaanaya degmada Qoryooley ee Wilaayada Shabeelada hoose waxey xaqiijinayaan in qarax khasaara dhaliyay uu ka dhacay gudaha degmadaas.
Qaraxa waxa uu sigaar ah kaga dhacay agagaarka Buundada degmada goob ay ku qayyilayeen saraakiisha iyo askarta maamulka Murtadiinta ugu magacaaban degmada Qoryooley.
Gudoomiyihii Ridada ugu magacownaa degmada Qoryooley Sayid Cali Ibraahiim ayaa la xaqiijiyay in qaraxa lagu dilay, Waxaa sidoo kale qaraxaas ku dhintay askari istaaf u ahaa gudoomiyaha kaasi oo lagu magacaabi jiray Jeylaani Kibow.
Qaraxan lagu dilay gudoomiyihii Ridada ee degmada Qoryooley waxa uu kusoo aadayaa xilli saacadihii lasoo dhaafay duqeyn ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab la beegsadeen xerada Kufaarta Burundi ee degmada Balcad ee Wilaayada Shabeelada dhexe lagu dilay 3 askari oo Kufaarta Burundi ah waxaana lagu dhaawacay 5 askari oo isla Burundeyska ah.