Madaxweynaha kooxda Riddada Soomaaliya, murtad Xassan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiyaha baarlamaanka Riddada, Aadan Madoobe ayaa cisbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho ku booqday dhaawacyada masuuliyiinta siyaasadeed iyo xildhibaannada Riddada ee ku dhaawacmay howlgalka Inghimaasiga ee mujaahidiintu ku beegsadeen dhismaha xarunta SYL ee kaabiga ku haya Villa Somalia.
Xassan Sheekh iyo taliyaha booliska Riddada ayaa la arkayay iyagoo gudaha u galaya cisbitaalka Digfeer, halkaasna ku booqanaya dhaawacyada masuuliyiinta Riddada ee Allaah fadligiis ciidamada mujaahidiintu ku dhex toogteen dhismaha xarunta SYL ee magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Aadan Madoobe oo ah guddoomiyaha baarlamaanka Riddada iyo qaar ka mid ah xildhibaannada Riddada ayaa ku dul baroortay qaar ka mid ah xubnaha xildhibaannada Riddada ee lagu toogtay howlgalka dhismaha SYL, ka dib markii ay ku booqdeen cisbitaalka Digfeer.
Sawirro ay soo bandhigeen Villa Soomaaliya oo ah halka looga arrimiyo kooxda Riddada iyo xafiiska Aadan Madoobe ayaa muujinayay murugada iyo argagax ay madaxda murtadiintu ka qaadeen howlgalkii Inghimaasiga ee ay ciidanka Inghimaasiyiinta mujaahidiintu ku qaadeen dhismaha kaabiga ku haya madaxtooyada dowladda Riddada.
Sh Cabdicasiis Abuu Muscab oo ah afhayeenka ciidanka mujaahidiinta ayaa mar sii horraysay sheegay in howlgalkan barakaysan Allaah fadligiis uu dhaliyay khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawac iskugu jira oo murtadiinta kasoo gaaray howlgalkaasi, xubnaha Gurguurte iyo Aadan Madoobe booqdeen ayaana isugu jira kuwa ay toogteen ragga Inghimaasiyiinta ah iyo kuwa darbiyada kasoo booday oo jajaban.