Murtad Xassan Sheekh Maxamuud oo ah madaxa kooxda Riddada Soomaaliya, ayaa khudbad uu jeediyay si adag ugu goodiyay siyaasiyiinta mucaaradsan xukuumadiisa ee maalmihii u dambeeyay abaabulka ka waday magaalada caasimadda Muqdisho.
Wuxuu sheegay in dowladdiisa aysan aqbali doonin in abaabul ciidan laga sameeyo magaalada caasimadda ah, xitaa wuxuu sheegay haddii ay ka war helaan guryo la isku abaabulayo ay maleeshiyadiisu weerari doonaan oo ay la dagaallami doonaan siyaasiyiinta abaabulka wada.
Wuxuu si gaar ah u tilmaamay in qorshahaasi ay wadaan saraakiil ciidan, siyaasiyiin iyo madax mucaarad ah, kuwaas oo uu sheegay in aysan wax ixtiraam ah dhankiisa ka heli doonin oo haddii hub lagu arko maleeshiyadiisu la dagaallami doonaan.
Arintan ayaa kusoo beegantay xilli mucaaradad xoogan uu wajahayo murtad Xasan Sheekh Maxamuud, xubnaha mucaaradka ah ee kasoo horjeeda siyaasaddiisa ayaa isugu jira xildhibaanno, madax hore oo kooxda Riddada hoggaankeeda soo qabatay, saraakiil ciidan iyo siyaasiyiin.