Madaxa kooxda ridada soomaaliya ayaa markale ka shanqariyay qaar kamid ah caqabadaha ku horgudban kooxdiisa oo ay ugu waaweyniyihiin weerarada jihaadiga ah ee uga imaanaya mujaahidiinta.
Isagoo Madaxtooyada Villa Somalia kula hadlayay qaar kamid ah xildhibaannada baarlamaanka daaquudka kooxda Ridada ayuu Xasan Gurguurte banaanka soo dhigay culeysyada siyaasadeed ee uu kala kulmayo dhinacyo kala duwan isagoona xildhibaannada dawaaqiidda ka codsaday in ay usameeyaan muddo kororsi.
Ugu horrayn wuxuu sheegay in dagaalkii uu ku iclaamiyay wilaayaatka islaamiga ah uu noqday mid daba dheeraaday oo ay ku waayeen askar iyo saraakiil farabadan.
Xasan Gurguurte wuxuu walaac ka muujiyay culeysyo dhaqaale oo kooxdiisa soo wajahay,inkastoo kooxda ridada ay lacago baad ah kusoo rogtay shacabka Muqdisho ayna boobtay dhulkii iyo hantidii shacabka hadane waxay weli ka sheeganaysaa hoos udhac dhaqaale.
wuxuu carrabaabay in kooxda ridada ay daciif tahay ayna dhab noqon waayeen ballan qaadyo dhaqaale oo uga timid gaalada caalamka,sidoo kal wuxuu sheegay in khilaafka siyaasadeed ee dhaxdooda ka jira uu saameyn xun ku reebay kooxda isagoo ismariwaaga jira dhaxtaagan isaga iyo maamul goboleedyada murtadiinta ku tilmaamay Mas shan madax leh oo midba dhinac usocdo.
Warar soo baxay ayaa sheegaya in madaxa kooxda ridada uu maalmaha soo socda ku dhawaaqi doono muddo kororsi la mid ah midkii Farmaajo sameeyay, kolkaas oo khilaaf xooggan ka dhax jirtay murtadiinta.