Rag hubeysan oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab waxey howlgal qorsheysan ka fuliyeen gudaha degmada Dharkenleey ee magaaladan Muqdisho.
Howlgalkan oo ahaa mid dil toogasho ah waxey ciidamada Mujaahidiinta la beegsadeen sarkaal ka tirsan maamulka dowlada Ridada ugu magacaaban degmada Dharkenley.
Sarkaalka Murtadka ah ee ay dileen Mujaahidiinta ayaa lagu magacaabi jiray Guuleed Muuse kaasi oo ahaa gudoomiyaha Waaxda Dabakaayo Madow ee degmada Dharkanley, Waxeyna ragga hubeysan ka toogteen qeybaha sare ee jirka taasi oo sababtay in sarkaalka isla goobta ku dhinta.
Dilka sarkaalkan waxa uu kusoo aadayaa xilli ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay sii kordhiyeen weerarada ay ka fulinayaan gudaha magaalada Muqdisho ee ay ku beegsanayaan saraakiisha dowlada Ridada iyo kuwa Kufaarta ee ku sugan magaaladan caasimadda ah.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.