Koox hackers muslimiin ah oo la magac baxay {Cyber Toufan Operations} ayaa ku dhawaaqay inay jabsadeen tiro ka mid ah mareegaha Internet-ka maamulka isku magacaabay Yahuudda, oo ay ka mid tahay wazaaradda difaaca ee maamulkaasi.
Kooxdan ayaa sidoo kale shaacisay inay weerareen shirkado ganacsi oo ay ka mid yihiin Ace, Shefa Online, Home Center, xarunta kaydka gawaarida, iyo xarun kale oo lagu magacaabo Iikya, waxay sidoo kale gacanta ku dhigeen faylal dhowr ah oo ay leedahay shirkadda gacanta ku haysa mareegahaasi iyo xarumahaasi ganacsi.
Muuqaal lagu faafiyay mareegaha Internet-ka ayaa muujinay in rag kooxdan ka tirsan ay u suuragashay inay gudaha u galaan feylsha wasaaradda Difaaca ee maamulka gumeystaha Yahuudda, halkaas oo ay ka helaan malaayiin xog ah, oo ku saabsan ciidanka kaydka ah iyo guud ahaan xogta maleeshiyaadka maamulkaasi.
Yediicoot Axronot oo ah wargays ay Yahuuddu leedahay ayaa warbixin uu faafiyay ku xaqiijiyay in la jabsaday server-yada IT-ga, faylasha la helay ee kooxda gacanta u galayna ay ka mid yihiin faylal ay ku jiraan xogta tobannaan kun oo shaqaale ah iyo macaamiisha ay leeyihiin shirkadaha weerarka dhanka Internet-ka ah lagu qaaday.
Dhanka kale kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta ayaa shaaciyay in maamulka Yahuudda ay lumiyaan hal gaari iyo 6 askari oo laga dilo ama la dhaawaco saacad kasta iyo 20 daqiiqo, tan iyo intii uu billowday howlgalka dhulka ah ee ay maleeshiyaadka Yahuuddu kusoo qaadeen marinka Gaza.
Xogta ay soo bandhigeen kooxaha wax iska caabinta waxay ka dhigan tahay in Yahuudda laga dilay sidoo kalena laga dhaawacay 3,185 xubnood, 22-kii maalmood ee lasoo dhaafay, sidoo kale waxaa isla arraintaasi qiraya khubarada millatariga.