Hal milyan oo Muslimiin Xujey ah ayaa maanta oo jimca ah taagan Banka Carafo oo ah rukniga ugu wayn ee acmaasha xajka.
Muslimiinta caalamka ku dhaqan caalamka intiisa kale ee aysan u suurtaga gelin in ay xaadiraan Xajka ayaa maanta oo taariikhdu tahay 9-ka bisha Dulxijjah sooman maalinta carafo oo soonkeeda fadli weyn ku jira.
Xujayda oo kala medeb ah kala luqad ah waxay taaganyihiin Banka Carafo waxa kaliya ee midaynaya ayaa ah kalimadda Towxiidka.
Maalinta Bari oo Sabti ah oo ay taariikhdu tahay 10-ka bisha Dulxijjah waxey guud ahaan Muslimiinta u dabaal dagayaan maalinta Kowaad ee munaasabada Ciidul Adxaa Al-mubaarak.
Calamada.com