Barnaamijka Sahanka dhaqaalaha waa barnaamij ay soo kordhisay idaacadda islaamiga ah ee Al-andalus, toddobaadkiiba mar oo kalena ka baxa idaacadda, waana barnaamij xiiso badan oo lagu lafa guro waxa uu yahay dhaqaale, sida uu ku aasaasmay dhaqaalaha islaamka, sida shareecadeenu u boorisay isku filnaansho dhaqaale iyo in la raadsado kasab xalaal ah, kaalinta aqoontu ka qaadan karto wax soo saarka, waxa lagu qiimeeyo dhaqaalaha dowladaha, asbaabaha dib u dhaca dhaqaale ee haysta caalamka islaamka iyo duullaannada millatari ee lagu soo qaaday dhulalka caalamka islaamka ma gurmad baa mise gurasho dhaqaale?.
Halkan Ka Dhagayso Xalqada 23-aad Ee Barnaamijka Sahanka Dhaqaalaha.