Barnaamijka Tartan aqooneedka Andalus waa barnaamij aad u xiiso badan oo sannadkiiba mar ay qabato idaacadda islaamiga ah ee Al-andalus, waana barnaamij ay ku tartamaan bulshada wilaayaadka islaamiga ah, sannadkan waxaa barnaamijka ku tartamayay 2 majmuuco oo ka kala socda 10-ka wilaayo ee dhaca koonfurta iyo bartamaha Somalia.
Xalay oo ahayd habeenkii ugu dambeeyay ee tartan-aqooneedka Andalus sannadkan 1445H, waxaa is reeb-reebka la tartansiiyay saddex majmuuco oo ka kala socda wilaayaadla islaamiga ah ee Galgaduud, Gedo iyo Hiiraan, kuwaas oo iskula jiray kaalinta saddexaad, ujeedka loo qabtay tartankii xalay ayaa ahaa in lasoo saaro hal majmuuco oo kaalinta 3-aad gasho, waxaana ugu dambayn kaalinta 3-aad ee Tartan-aqooneedka Andalus ee sannadkan gashay majmuuco matalaysa wilaayada Galgaduud, waana wareeggii labaad ee tartanka, waxaa wareeggii koowaad ee tartanka kaalinta koowaad galay Sh/hoose, halka kaalinta labaadna ay gashay majmuucada wilaayada Jubbooyinka.
Halkan Ka Dhagayso Xalqada 16-aad Ee Barnaamijka Tantan Aqooneedka Andalus.