Isbedello dhanka maamulka ah ayaa markale ka xasilay gobollo dhaca waqooyiga iyo bariga wadanka Afghanistan kadib markii ay Taliban dhul ballaaran qabsatay.
Wararka ka imaanaya Afghanistan ayaa sheegaya in xoogaga Taliban ay qabsadeen illaa sedax degmo oo katirsan gobolka Ghazni ee dhaca bariga wadankaasi.
Jowdaad Carfaani oo ah xildhibaan baarlamaan kanasoo jeeda gobolka Ghazni ayaa xaqiijiyay in ciidamada Imaarada islaamiga ah ay qabsadeen sedax degmo oo ay kamid yihiin Khowja Camri iyo Waacid.
Maamulka maxalliga ah ayaa saadaaliyay in gacan ku haynta gobolka uu faraha ka bixi doono haddii uu xaalku sidaas sii ahaado.
Dhinaca kale Afhayeenka Taliban ayaa sheegay in ciidamadoodu ay qabsadeen 5 degmo 24 saac gudahood.
Tan iyo markii ay dowladda Mareykanku bilaawday in ay ciidamadeeda kala baxdo Afghanistan ayay Imaarada Islaamiga ay qabsanaysay degmooyin iyo deegaanno istiraatiiji ah.