Dagaalkan oo socda muddo sannad ka badan ayaa maraya marxaladihii ugu kululaa, waxana la isku adeegsanayaa awooddii u dambeysay.
Bilihii u dambeeyay waxa mar kasta guulo sheeganayay Tigreega oo soo qabsaday dhul aad u badan, hase yeeshee shalay ilaa maanta waxa guulo sheeganaya garabka Abay Axmed gaar ahaan ciidanka ku sugan furinta dhanka Canfarta.
Wararka maanta ay baahinayaan Canfartu waxay sheegeen gabi ahaanba in Tigreegii laga sifeeyay dhulka Canfarta, waxana isbadalka ugu wayn laga dareemay halkaasi kadib markii Abay Axmed uu tagay furintaasi oo uu la wareegay hogaanka dagaalka.
Dhanka kale dagaalkii ka socday duleedka Debre Burhan ayaa wali si xowli ah ku socda, walina Tigreega uma suuro galin in ay difaacaasi soo wada jiiraan, waxana hadda la isku adeegsanayaa madaafiic iyo diyaaradaha dagaalka.
Sidoo kale waxa jira jabhad cusub oo Axmaaradu ay leedahay oo dagaalka kusoo biirtay kuwaasi oo wacad ku maray in ay dhexda ka kala jarayaan ciidamada Tigreega ee Laamiga dheer ku taxan.
Si kastaba ha ahaatee haddii ciidamada uu hogaaminayo Abay Axmed ee dhanka Canfartu ay soo Jabiyaan Tigreega sida ay sheeganayaan waxa halis galaya ciidanka Tigreega ee ka dagaalamaya jiidda hore ee Adisababa ku aadan, waxayna halis ugu jiraan in gadaal looga yimaaddo ama loo daba maro dhulkii ay kasoo duuleen ee gobolka Tigreega.