Maktabka warfaafinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa baahiyay bayaan muhiim ah oo ka kooban 2 bog kuna qoran luuqadda Carabiga, kaas oo uu hoggaanka guud ee mujaahidiinta uga tacisayadeeyay geerida ku timid Sheekhii mujaahidka iyo muhaajirka ahaa ee ay saacadihii lasoo dhaafay geeridiisa iclaamiyeen mujaahidiinta Al-qaaciddada Jaziiratul Carab.
ْWarsaxaafadeedka kasoo baxay hoggaanka guud ee mujaahidiinta, waxaa ugu horrayn looga hadlay masiirada dheer ee Sheekh Khaalid Batarfi laga soo billaabo maalmihiisii jihaadka ee Afghanistan ilaa iyo maanta, waxay na xarakadu guud ahaan umadda muslimiinta uga tacsiyadeysay geerida ku timid Sh Khaalid, kaas oo uu Allaah oofsaday isaga oo ku taagan dhabbaha jihaadka, sidoo kalena aan diinkiisa uga tanaasulin dhawaaqiidda iyo kuffaarta, si gaar ah waxa ay xarakadu geerida sheekh Khaalid uga tacsiyadaysay wiilashiisa mujaahidiinta ee ku sugan dhulka Jaziiratyl Carab iyo guud ahaan caalamka.
Xarakadu waxay sidoo kale bayaankaan ku bogaadisay masuulka cusub ee beddelay Sheekh Khaalid Batarfi Alle ha u naxariistee, kaas oo ah Sheekh Abuu Layth Sacad Bin Caadif Al-Cawlaqi [Xafidahullaah], wuxuuna hoggaanka guud Allaah uga baryay masuulka cusub oo ka mid ah rugcadaayaashaa mujaahidiinta dhulka jaziiradda Carabta, in uu ku sugo camalka jihaadka una fududeeyo masuuliyadda la saaray, waxay sidoo kale ugu dambayn xarakadu ku boorisay mujaahidiinta inaysan dayicin oo ay ilaaliyaan miraha uu ka tagay Sheekh Khaalid Batarfi Alle hau naxariistee.
Halkan Ka Degso Bayaanka Hoggaanka Guud Ee Xarakada.
Ama Hoos Ka Akhriso.