Sheekh Cali Maxamuud Raage oo ah afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa kalimad muhiim ah oo uu jeediyay umadda muslimiinta ah guud ahaan, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciiddul-fidriga sannadkan 1445 Hijri.
Sheekha ayaa dhanka kale kalimaddiisa uga hadlay xaaladda Gaza, isagoo sheegay in ciiddani kusoo beegantay xilli ay Yahuudda oo ah cadowga 1-aad ee islaamku leeyahay ay xasuuqyo bahalnimo ah ka gaysanayaan marinka Gaza, ayna halkaas ku dileen inka badan 32,000 oo abriyo ah, halka inka badan 75,000 kuna ay ku dhaawacmeen duqaymaha wuxuushnimo ee ciidanka Yahuudda.
Sheekh Cali Maxamuud Raage ayaa sidoo kale ka hadlay boobka bareerka ah ee xabashida Itoobiya ku qaadatay dhulka Soomaaliyeed, sidoo kale wuxuu ka hadlay gaboodfallada uu Turkigu ka gaysanayo marinka Gaza iyo dhacdooyin kale oo muhiim ah.
Halkan Ka Dhagayso Kalimadda Sheekh Cali Dheere.