Magaalada Nairobi ee caasimadda u ah Kenya, waxay toddobaadyadii u dambeeyay martigelinaysay ugaarsi gaar ah oo ka dhan ah dadka Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqan, kuwaas oo inta la afduubto kadib maydadkooda lasoo dhigo wadooyinka.
Hooyo Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Faadumo Mukhtaar ayaa maanta sheegtay in muddo bil ku dhow aysan nolol iyo geeri midna ku haynin wiilkeeda, kaasi oo ay sheegtay in lagu afduubtay gudaha magaalada Nairobi.
Hooyadan oo ilmada ceshan kari wayday ayaa warbaahinta la hadashay, waxay na sheegtay in wiilkeeda oo lagu magacaabo Cabdiqaadir Cumar Shire ay afduubteen ciidamo hubeysn oo afka soo duubtay, kana kaxaysteen meel u dhow gurigooda oo kuyaal xaafadda Islii.
Waxay sheegtay in xiriiro kala duwan ay sameysay si ay ay hesho halka lala aaday wiilkeeda, balse dhamaan isku daydeeda ay guuldarrayteen, ciidamada ammaanka Kenya iyo kooxo burcad ah oo abaabulan ayaa badanaa lagu eedeeyaa afduubyada ka dhanka ah dadka Soomaaliyeed ee ka dhaca magaalada Nairobi.
Dhacdadan hooyada Soomaaliyeed wiilkeeda ku waysay ayaa ku biiraya kiisas kala duwan oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay laga diiwaan geliyay Nairobi, waxaana ugu dambeeyay dilkii naxariis darrada ahaa ee lagu gowracay saddex haween ah oo ka kooban hooyo iyo labadeeda gabdhood iyo sidoo kale in qaybo ka mid ah Nairobi laga helay maydka qof 4-aad oo wiil Soomaali ah.