Dagaal maanta ka dhacay duleedka deegaanka Halgan ee wilaayada Hiiraan ayaa lagu jabiyay maleeshiyaad isugu jiray Macaswilay iyo kuwo kale, waxana ay goobta uga carareen tiro maydad ah oo uu ku jiro taliyihii macawislayda Hiiraan oo lagu magacaabi jiray Cali Iley, waxay sidoo kale ka carareen ilaa saddex qori oo uu ku jiray qoriga BKM-ka loo yaqaano.
Mujaahidiinta ayaa aad u kordhiyay weerarada laayaanka ah ee ay ku qaadayaan maleeshiyaadkii uu soo abaabulay Xasan Sheekh, waxana todobaad gudihii laga furtay tobanaan gawaarida dagaalka ah iyo saanad aad u badan, waxana dhagta dhiiga loo daray maleeshiyaad aad u badan oo isaga firxaday xerooyinkii ay deganaayeen.
Sawirka aad kor ku aragtaanna waa Cali Ilay oo ah horjoogihii macawislayda ee maanta la dilay.