Howlgal fariid ah oo ciidamo ka tirsan Mujaahidiinta ay ka fuliyeen gudaha magaalada Muqdisho ayaa lagu beegsaday askar ka tirsanaa maleeshiyaadka kooxda Riddada Soomaaliya, waxaana howlgalkaasi lagu khaarajiyay labo askari oo ka mid ahaa askarta murtadiinta.
Ilo wareedyo masuul ah ayaa xaqiijiyay in mid ka mid ah labada askari ee lagu dilay howlgalkan gaarka oo la oran jiray Deysane Max’ed Cali Shuuriye uu ka mid ahaa maleeshiyaadkii murtadiinta ee dhowaan ku duulay kana firxaday degmada Baxdo ee wilaayada Galgaduud, balse ciidamada Mujaahidiinta oo xogtiisa si dhow ula socday ayaa Allaah fadligii nolashiisa maanta kusoo afjaray Muqdisho.
Magaalada Muqdisho waxaa si habsami leh uga socda howlgallada jihaadiga ah ee beegsanaya maleeshiyaadka iyo saraakiisha dowladda Riddada, howlgalkan ayaana qayb ka ah silsilado howlgallo ah oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka Banaadir.