Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey howlgal gaar ah ka fuliyeen gudaha degmada Baydhabo ee Wilaayada Baay iyo Bakool.
Howlgalkan gaarka ah waxey Mujaahidiinta ku beegsadeen oo ay ku dileen sarkaal ka tirsan maamulka Ashahaado la dirirka isku magacaabay Konfur Galbeed.
Sarkaalka Murtadka ah ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Aadam Borow kaasi oo ay Mujaahidiinta ka furteen kana ganiimeysteen qori uu ku hubeysnaa.
Dhanka kale guutada madaafiicda ee Shabaabul Mujaahidiin waxey tiro madaafiic ah ku garaaceen saldhiga ciidamada Kufaarta Burundi ay ka sameysteen degmada Balcad ee Wilaayada Shabeelada dhexe, Waxaa jirta khasaara Kufaarta kasoo gaartay duqeyntaas.
Dhanka degmada Dayniile ee wilaayada Banaadir waxaa dhimasho iyo dhaawac noqday tiro ka tirsan maleeshiyaatka kooxda Ridada kadib markii Jaayga Oodweyne qarax lagula beegsaday.
Calamada.com