Howlgal gaar ah oo ciidamada shabaabul Mujaahidiin ay ka fuliyeen gudaha degmada Afgooye ee Sh/hoose waxay ku dileen murtad lagu magacaabi jiray Muxammad Xaaji oo ka mid ah guddoomiye waaxeedyada maamulka Riddada ah ee degmada Afgooye.
Mujaahidiintu waxay howlgalkan gaarka ah kusoo ghaniimeysteen baastoolad uu ku hubeysnaa murtadka lagu dilay howlgalka, iyadoo goor dambena ay mayadka murtadkan goobta ka qaadeen maleeshiyaad murtadiin ah.
Dhanka kale ciidamada Mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada Banaadir waxay weeraro culus oo saf ah ku qaadeen fariisimaha maleeshiyaadka murtadiinta ay kaga suganyihiin Suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho iyo isgoyska miisaanka Dhuxusha xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid, lamana soo sheegin khasaaraha rasmiga ee soo gaaray maleeshiyaadka Riddada.
Mujaahidiinta ka howlgala wilaayaadka Sh/hoose iyo Baay waxay weeraro isugu jira qarax iyo dagaal toos ah ku kala qaadeen maleeshiyaadka murtadiinta ee ku sugan degmooyinka Jannaale iyo Qansaxdheere, howlgalka qaraxa ah waxay Mujaahidiintu la beegsadeen maleeshiyaad lug ah oo ka tirsan maleeshiyaadka Riddada xilli ay ku dhex socdeen gudaha degmada Jannaale, dagaalka tooska ahna waxay Mujaahidiintu la beegsadeeen saldhigga Riddada ee degmada Qansaxdheere.