Kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta ee halganka adag kula jira ciidamada gumeystaha Yahuudda ee duullaanka gardarrada ah kusoo qaaday marinka Gaza, halkaas oo ay ku boqna gooyeen ciidamo sahyuuniyiin ah oo qayb ka ah ciidanka sahyuuniyiinta ah ee gudaha usoo galay marinka.
Abuu Cubayda oo ah afhayeenka garab ka mid ah wax iska caabinta Falastiiniyiinta, ayaa kalimad kooban oo jeediyay ku sheegay in howlgal culus oo kamiin ah ay la beegsadeen ciidamo sahyuuniyiin ah oo gudaha usoo galay mid ka mid ah godadka millatari ee kuyaal xerada Jabaaliya ee waqooyiga marinka Gaza, halkaas na cashar lama illaabaan ah loogu dhigay ciidanka sahaayinada.
Abuu Cubaydah ayaa sheegay in weerarka ay u adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, ciidankii Yahuudda ee godka gudaha usoo galayna ka dhigeen kuwa ay dileen, kuwa ay dhaawaceen iyo kuwa ay gacanta ku dhigeen, wuxuu Abuu Cubayda sheegay inay gacanta ku hayaan maxaabiis Yahuud ah.
Muuqaal kooban oo ay faafiyeen kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta ayaa lagu arkayay kooxaha iska caabinta oo mid ka mid ah godadka ciidan ee muqaawamada ku dhex jiidjiidaya maydka askari Sahyuuni ah oo ka mid ah ciidankii lagu laayay howlgalkan gaarka ah ee lagu burburiyay ciidamo wazaaradda gaashaandhigga gumeystaha usoo dirtay howlgal gaar ah.
Afhayeenka garabka millatari ee mid ka mid ah guutooyinka ka dagaallamaya Gaza, ayaa sheegay in xilliga ugu munaasibsan ay bixin doonaan tafaasiil intan ka badan oo ku aaddan howlgalkan kamiinka ah ee askarta looga dilay, kuwana looga dhaawacay, kuwa kalena looga qabsaday ciidanka gumeystaha.
Waa mid ka mid ah howlgallada fariidka ah ee kooxaha wax iska caabintu, ku dabar jarayaan cidamada sahaaynida ah ee gudaha usoo galay marinka Gaza, xasuuqyada iyo burburinta ba’anna u gaystay marinka Gaza.