Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamo ka tirsan Mujaahidiinta ka fuliyeen agagaarka isgoyska Ex-Control Afgooye ku dileen sarkaal ashahaada la dirir ah oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Riddada.
Ilo wareedyo masuul ah ayaa xaqiijiyay in howlgalkaasi gaarka ah lagu khaarajiyay Xassan Jiis kaas oo ka mid ahaa saraakiisha ka howlgasha xabsiga godka Jilicow ee magaalada Muqdisho, wuxuuna sarkaalkaasi murtadka caan ku ahaa tacdiibinta dadka muslimiinta ee sida dulmiga ah ugu xiran kooxda Riddada ee ku jira xabsiga godka Jilicow.
Magaalada Muqdisho waxay Mujaahidiintu maanta oo kaliya ku dileen 2 sarkaal oo ashahaada la dirir ah, sarkaalkii kan ka horreeyay oo lagu magacaabi jiray Shariif Abukar Shariif Ibraahim oo ahaa mas’uul ka tirsanaa xafiiska hanti dhowrka ee kooxda Riddada, ayay Mujaahidiintu ku khaarajiyeen howlgal gaar ah oo ka dhacay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.