Ciidamada mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayasda Banaadir waxay howlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho ku dileen sarkaal ciidan oo darajadiisu ahayd 2 xidigle, kaaso oo ka tirsanaa saraakiisha waxay ugu yeeraan millatariga kooxda Riddada Soomaaliya.
Sarkaalkan murtadka ah ee ay mujaahidiintu ku khaarajiyeen degmada Dayniile waxaa magaciisa lagu soo koobay Mowliid, howlgalkan ayaana ku biiraya howlgallada gaarka ah ee madaxyada looga gurayo saraakiisha murtadiinta ee ka socda caasimadda Soomaaliya.
Sidoo kale waxay ciidamada mujaahidiintu dagaal culus oo toos ah ku qaadeen xarunta maamulka murtadiinta ugu magacaaban degmada Heliwaa, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada mujaahidiinta iyo maleeshiyaadka murtadiinta.
Dhanka Baay, saacadihii lasoo dhaafay waxay ciidamada mujaahidiintu dagaal culus ku qaadeen xerada ciidamada xabashida Itoobiya ee degmada Diinsoor, dhawaqa hubka noocyadiisa kala duwan ee la isku adeegsanayay dagaalka ayaana si wayn looga maqlayay xaafadaha degmadaasi Diinsoor.