Ciidanka guutada iqtiyaalaadka Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala magaalada caasimadda dalka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen qaybo ka mida degmada Wadajir waxaa lagu khaarajiyay Ibraahim Saalax oo ahaa xildhibaan hore oo ka tirsanaa golaha dhawaaqiidda kooxda Riddada Soomaaliya.
Howlgalkan ayaa si gaar ah kaga dhacay xaafadda Ceelqaalow, waxayna mujaahidiintu Allaah fadligiis xildhibaankaas murtadka ah ka toogteen qaybaha sare ee jirka, taas oo keentay in ugu dambayn uu qurbaxo, xildhibaankan murtadka ah ayaana ka mid ahaa xubnihii baarlamaanka ee xukluumaddii Riddada Farmaajo.
Murtad Ibraahiim Saalax ee ay mujaahidiintu ku dileen xaafadda Ceel-qaalow ee degmada Wadajir ayaa xiligan ahaa la taliyaha guddoomiyaha baarlamaanka Riddada Hirshabeelle.
Waa mid ka mid ah howlgallada gaarka ah ee ay ciidamada mujaahidiinta ee ka jihaada Muqdisho ku ugaarsanayaan madaxda iyo maleeshiyaadka kooxda Riddada Soomaaliya ee saliibiyiinta duullaanka ah isku barbar taagay dagaalka ka dhanka ah shareecada islaamka.