Xilli howlgal xooggan oo inqimaasi ah uu ka socdo xarunta madaxtooyada Riddada ee magaalada Muqdisho, uuna si wayn u saameeyay saraakiisha iyo xubnaha sare ee kooxda Riddada ayuu golaha baarlamaanka dawaaqiidda ku dhawaaqay inay hakiyeen fadhi ay lahaayeen xildhibaannada murtadiinta.
Kulankan dawaaghiidda oo lagu waday in maanta oo isniin ah ka qabsoomo xarunta Villa Hargaysa ee ku dhex taallo furinta ay dagaalka ka wadaan Iqimaasiyiinta Mujaahidiinta ee madatooyada ayaa gabi ahaanba loo baajiyay howlgalka socda sida uu ku dhawaaqay guddoonka golahan.
Murtad Aadan Madoobe guddoomiyaha golaha dawaaqiidda Riddada oo ka hadlayay xaaladda adag ee ay tan iyo xalay ku suganyihiin madaxda iyo saraakiisha kooxda Riddada ee ku go’doonsan Villa Somalia ayaa sheegay in ciidanka Mujaahidiintu ka dhex dagaalamayaan gudaha xarunta isla markaana la layahay xubno muhiim ah.
Baajinta kulanka baarlamaanka dawaaqiidda ayaa kusoo beegmaya xilli malxamad adag ay Inqimaasiyiinta Mujaahidiintu ka wadaan gudaha xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho isla markaana uu jihawareer iyo kala carar ku dhacay dhowr isku day oo ay soo sameeyeen maleeshiyaad murtadiin ah si ay u gaaraan halka uu uu howlgalku ka socdo.