Howlgal gaar ah oo ciidamo ka tirsan mujaahidiinta Al-shabaab ay ka fuliyeen xaafadda Xoosh degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho ayaa lagu dilay murtad lagu magacaabi jiray Cabdi Maxamuud oo ahaa sarkaal ka tirsanaa maleeshiyaadka Riddada, gaar ahaan kuwa millatariga.
Isla Banaadir howlgal kale oo ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen Warlaliska oo ka mid ah xaafadaha degmada Dayniile ayaa lagu dilay askari murtad ah oo lagu magacaabi jiray Cali, kaas oo ka tirsanaa maleeshiyaadka isugu yeeray Boolis-milataaro.
Dhanka Sh/hoose, waxay mujaahidiintu saacadihii lasooo dhaafay dagaallo culus oo safmareen ah ku qaadeen xeryaha ciidamada kuffaarta Yugaandha ee Airport-ka degmada Baraawe, degmada Jannaale iyo degaanka Buurcolow, iyo saldhigga maleeshiyaadka Riddada ee xaafadaha Mukayga iyo Haanta dheer ee degmada Afgooye.
Isla Sh/hoose waxay mujaahidiintu weerar kammiin ah u dhigeen maleeshiyaad murtadiin ah oo kasoo baxay degmada Qoryooley kuna sii jeeday deegaanka Danow, waxaa weerarkan lagu dilay 4 askari halka lagu dhaawacay mid kale. Waxayna mujaahidiintu soo qaniimeyteen qori iyo boosh, iyagoo gubay 2 mooto.
Deegaanka Waydow ee duleedka Muqdisho waxaa qarax lagula eegtay gaari ay la socdeen maleeshiyaadka murtadiinta, 1 askari ayaa ku dhintay, 3 kalana waa dhaawac, gaarigana qaraxa lala eegtayna goobta ayu uku burburay.
Dhanka Mudug, Qarax ka dhacay duleedka deegaanka Wisil ee wilaayada Mudug waxay mujaahidiintu ku gubeen gaari Cabdibile ah oo ay wateen maleeshiyaadka Riddada, waxaa halkaasi ku dhintay 2 askari oo murtadiin ah.
Dhanka Baay, waxay ciidamada mujaahidiintu maanta dagaal culus ku qaadeen xerada ciidanka saliibiyiinta xabashida Itoobiya ee degmada Bardaale, 2 askari oo Itoobiyaan ah ayaa ku dhaawacantay oo mid dhaawiciisa yahay garaab.
Dhanka Laamu, howlgal qorsheysan oo ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen inta u dhaxaysa magaalada Hindi iyo deegaanka Maalhooy ee gobalka Laamu, waxay mujaahidiintu ku beegsadeen dad Kiristaan Kenyaati ah oo dhir jaris halkaasi ka waday, ugu yaraan hal nin oo kirishtaan Kenyaati ah ayaa goobta lagu dilay, waxay sidoo kale mujaahidiintu gubeen matoor iyo makiinadii ay geedaha ku jarayeen saliibiyiinta.