Ciidamada mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala wilaayada Banaadir waxay howlgal qorsheysan oo ay maanta ka fuliyeen qaybo ka mid ah degmada Kaxda ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, ku khaarajiyeen askari murtad ah oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Riddada, kaasi oo lagu magacaabi jiray Ibraahiim Maxamed Ibraahiim.
Dhanka kale, ciidamada mujaahidiintu waxay howlgal qarax ah la beegsadeen maleeshiyaad ka tirsan murtadiinta oo ku sugnaa xaafadda Ban-khiyaano ee gudaha magaalada Baydhaba, waxaana qaraxaasi ku dhintay askari murtad ah oo magaciisa lagu soo gaabiyay Cabdinuur, halka uu ku dhaawacmay askari kale oo lagu magacaabo Gaabsho.
Waxay sidoo kale ciidamada mujaahidiintu maanta weerar abaabulan oo culus ku ekeeyeen maleeshiyaad murtadiin ah oo ku sugnaa Isbartiibada degmada Diinsoor ee isla wilaayada Baay, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay mujaahidiinta iyo maleeshiyaadka murtadiinta, khasaare kala duwan ayaa lasoo wariyay in murtadiinta lagu gaarsiiyay dagaalkan.