Ciidamada mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada Banaadir waxay howlgal iqtiyaal ah oo ay ka fuliyeen agagaarka warshaddii hore ee Taraqa iyo Sigaarka ee kutaal waddada warshadaha ee magaalada Muqdisho, ku dileen murtad lagu magacaabi jiray C/qaadir Aflow kaas oo ka mid ah maleeshiyaadka murtadiinta.
Mujaahidiinta ka howlgala isla Banaadir waxay weerar abaabulan ku qaadeen saldhigga maleeshiyaadka murtadiinta ay ka deganyihiin xaafadda Faragaab ee ka tirsan degmada Dayniile. lama helin faahfaahin ku aaddan khasaaraha ka dhashay dagaalkan.
Howlgallada kale oo isugu jiray dagaal toos ah iyo weerar qarax ah waxay mujaahidiintu ku kala beegsadeen xerada maleeshiyaadka murtadiinta degmada Ceelbarde. Yeed waxaa ka dhacay qarax kaas oo ay mujaahidiintu ka fuliyeen goob laga dhisayay garoon diyaaradeed. waxana la xaqiijiyay in uu qaraxa burburiyay Cagaf cagaftii dhirta ka jarayay goobta garoonka laga yagleelayay, waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in uu jiro khasaare nafeed oo Riddada gaaray.
Dagaalka Ceel-bardena wax faahfaahin ah lagama helin maadaama uu dagaalku dhacay xilli habeen ah.