Guutooyinka qaraxyada Mujaahidiinta ee ka howlgala dhulka NFD oo ka mid ah dhulalka muslimiinta ee ay Kenya xoogga ku haysato ayaa weerar qarax ah la beegsaday askar ka tirsan ciidamada dowladda Kenya oo ku socdaalayay deegaan ka tirsan gobolka Mandheera.
Qaraxa oo si gaar ah u haleelay askar lug ah oo ku socdaalayay deegaan lagu magacaabo Xaragsi oo ka tirsan gobolka Mandheera ayaa lasoo wariyay in khasaare culus uu kasoo gaaray ciidamada dowladda Kenya, Sida ay soo sheegeen ilo wareedyo masuul ah.
Qaraxa ka dib waxay ilo wareedyadu xaqiijiyeen in labo diyaaradood oo nooca kuwa qumaatiga u kaca ay soo caga dhigteen halka uu qaraxu ka dhacay, Iyagoo goobta ka daabushay bakhtiyada iyo dhaawacyada ciidanka Kenya kasoo gaaray qaraxa ay Mujaahidiintu la eegteen, Waxaana ay diyaaraduhu u duuleen dhanka magaalada Mandheera.
Dhanka kale waxay ciidamada Mujaahidiintu weerar toos ah ku qaadeen saldhigga ciidamada Kenya ay ku leeyihiin degmada Qorof-xaraar oo ka tirsan isla gobolka NDF si gaar ahna u hoos tagta gobolka Wajeer, Halkaas oo dagaal xooggan uu ku dhexmaray ciidamada xaq u dirirka ah iyo saliibiyiinta Kenya.