Ciidamada mujaahidiintu waxay saacadihii lasoo dhaafay howlgal qarax ah ku beegsadeen goob isku imaatin ah oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Riddada oo kutaal deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.
Howlgalkan qaraxa ah waxaa inta la xaqiijiyay ku dhaawacmay laba askari oo murtadiin ah oo mid uu yahay sarkaal ciidan, howlgalkan ayaana qayb ka ah howlgallada qaraxyada ah ee ay mujaahidiintu ka wadaan caasimadda Somalia iyo deegaannada ku xeeran.
Dhanka kale, waxay ciidamada mujaahidiintu dagaal culus ku qaadeen xerada ciidamada saliibiyiinta Yugaandha ee deegaanka Numbar60, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Waxay sidoo kale ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay weerar kammiin ah u dhigeen kolonyo ka tirsan ciidamada kuffaarta Uganda oo ku socdaalayay inta u dhaxeysa deegaanada Buufow iyo Numbar60, lama helin xog faahfaahsan oo ku aadan weerarkan jidgalka ah.