Rag ka tirsan ciidamada Mujaahidiintu waxay howlgal gaar ah oo ciidamada Mujaahidiintu ka fuliyeen deegaanka Tabeellaha Sheikh Ibraahim ee dhaca duleedka Muqdisho ku dileen mid ka mid ah askarta maleeshiyaadka Riddada.
Murtadka howlgalkan lagu dilay waxaa lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Xassan Keerow, wuxuuna askarigan ka mid ahaa maleeshiyaadka murtadiinta ee dhibaatooyinka u gaysan u jiray dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho.
Dhanka wilaayada Baay waxay Mujaahidiintu weerar qorsheysan ku qaadeen fariisinka maleeshiyaadka murtadiinta ay kaga suganyihiin halka loo yaqaan beerta Cali Murgus ee magaalada Baydhaba, lama soo sheegin wax khasaare ah oo maleeshiyaadka dagaalkaasi kasoo gaaray.
Sh/hoosena ciidamada Mujaahidiinta ayaa dagaallo culus oo is xig-xigay ku ekeeyay fariisimaha murtadiinta ee ay ka deganyihiin xaafadaha Haanta dheer iyo Mukayga ee degmada Afgooye, waxaana xaafadaha kale ee magaalada laga maqlayay deryanka madaafiicda iyo hubka noocyadiisa kala duwan ee la isku adeegsanayay dagaalka.