Faahfaahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgallo fariid ah oo saacadihii lasoo dhaafay ka kala dhacay wilaayaadka Banaadir Gedo Sh/dhexe iyo dhulka NFD gaar ahaan gobolka Gaarissa, kuwaas oo lagu dilay askar iyo sarkaal sare oo ka tirsanaa murtadiinta iyo saliibiyiinta Kenya.
Howlgalka hore oo barqanimadii maanta ka dhacay degmada Hodon ee magaalada Muqdisho waxay Mujaahidiintu ku dileen sarkaal murtad ah oo lagu magacaabi jiray Bile Cardoof Colaad Caad oo loo garan ogaa (Canjeex), kaas oo ahaa sarkaal ashahaada la dirir ah oo ka tirsanaa booliska Riddada darajadiisa ciidanna ay ahayd 3 Xidigle.
Sarkaalkan murtadka ah oo loo haystay dambiyo badan oo uu ka galay islaamka iyo muslimiinta ayaa horay u dilay walaal Mujaahid ah isagoo dhaawacay walaal kale, dambiyada kale ee loo haystay waxaa ka mid ahaa in uu horay u dilay gabar muslimad ah oo ka mid ahayd haweenka muslimaadka ah ee ku dhaqan gobolka Banaadir, dabagal iyo raadin ka dib maanta ayay Mujaahidiintu ku khaarajiyeen gudaha Muqdisho, waxayna kasoo furteen Baastoolad uu ku hubeysnaa.
Dhanka wilaayada Gedo howlgal qorshaysan oo Mujaahidiintu ka fuliyeen deegaanka Yurkud waxay ku dileen askari ka tirsanaa maleeshiyaadka Riddada, kaasi oo lagu magacaabi jiray Jacfar Sheekh isaaq Xasan, Waxey Mujaahidiintu askarigan kasoo furteen qori iyo boosh, askarigan murtadka ah ayaa caan ku ahaa dhibaataynta dadka musaafiriinta ah ee isticmaala waddada isagoo ku dhibaatayn jiray isbaaro halkaas u tiillay.
Dhanka Sh/dhexena waxay ciidamada Mujaahidiintu weerar kamiin ah maanta ka fuliyeen duleedka deegaanka Ceel Axmad ee wilaayada Sh dhexe, howlgalkaasi oo lagu dilay 2 askari oo murtadiin ah halka tiro kalena lagu dhaawacay, iyagoo soo qaniimeystay 1 qori oo nooca PKM-ka loo yaqaan.
NFD gaar ahaan gobolka Gaarissa waxay Mujaahidiintu agagaarka xerada ciidanka ee Xayley ee duleedka magaalada Gaarisa kammiin xooggan ugu dhigeen askar Kenyaati ah oo lug ah, halkaas oo khasaare kala duwan lagu gaarsiiyay saliibiyiinta Kenya.