Ciidamo ka tirsan mujaahidiinta ka howlgala Banaadir waxay howlgal qorsheysan oo ay ka fulieen degmada Kaaraan ka mid ah degmooyinka caasimadda ku khaarajiyeen sarkaal ka tirsanaa waxay ugu yeeraan waaxda dambi baarista ee kooxda Riddada Soomaaliya.
Howlgalkan gaarka ah oo ka dhacay degmada Kaaraan waxay Mujaahidiintu ku dileen murtad ashahaada la dirir ah oo lagu magacaabi jiray Jimcaale Cali oo ahaa danbi baarihii murtadiinta ugu magacownaa degmadaasi Kaaraan.
Dhanka kale qarax culus oo saacadihii lasoo dhaafay ay ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen xarunta waaxda Halgan ee degmada Dayniile waxaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen 2 askari oo murtadiin ah, halka ay sidoo kale qaraxaasi uu dhaawacay 2 kale, iyadoo uu burbur soo gaaray dhismihii xaruntaasi.
Mujaahidiinta ka howlgala wilaayada Baay waxay saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus oo la qorsheeyay ku qaadeen xerada ciidamada xabashida Itoobiya ay ka deganyihiin degmada Diinsoor, jabaqda rassaasta iyo deryanka xooggan ayaa laga maqlayay gudaha iyo duleedka degmadaaas.