Dowladda Iiraan ayaa shaacisay inay weerar dhanka cirka ah ku qaaday deegaannada xoogga lagu dajiyay Yahuudda ee dhulka barakaysan ee Falastiin, halkaas oo xalay mar qura laga war helay gantaallo nooca kuwa Riddada dheer ee ballistic ah iyo diyaarado dagaal oo kusii jeeda.
Weerarka Iiraan ayaa yimid kaddib markii la saadaaliyay in muddo 24 saac gudahood ah ay Iiraan weeraro aargoosi ah ka gaysan doonto goobo ay ku suganyihiin ciidamada maamulka Yahuudda iyo kuwa Maraykanka, weerarka ayaa dhacay abbaare 11:00 habeenimo ee xalay, waxaana mar qura laga war helay diyaarado kasoo gudbaya hawada dalka Ciraaq, kuwaas oo kusii jeeda deegaannada Yahuudda xoogga lagu dajiyay.
Iiraan waxay sheegtay in diyaarado Drones ah iyo gantaallo nooca ballistic ay ku garaacday deegaannada xooga lagu dajiyay dadka Yahuudda ah, maamulka Yahuudda ayaa dhankiisa sheegay in diyaarado Drones ah iyo gantaallo nooca Riddada dheer lagu soo weeraray, hal qof ayay sheegeen in uu kaga dhaawacmay weerarka, saldhig ciidanna ay soo gaareen burbur aan sidaas u waynayn.
Dowladaha Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday inay ka hortageen isla markaasna dhulka soo dhigeen gantaallo kusii jeeday dhanka Yahuudda, Maraykanka ayaa sheegay in uu hawada Suuriya ku qabtay gantaallo nooca ballistic ah oo gaaraya tobannaan madax, kuwaas oo kusii jeeday deegaannada Yahuudda la dajiyay.