Allaah ha u naxariiste waxaa geeriyooday Imaamkii guud ee beesha Abgaal Cusmaan Imaam Maxamuud Xaaji Xaamud xilli uu imaamka safar ku jiray.
Imaamka ayaa 4-tii maalmood ee u dambeysay waxaa hayay xanuun kaasi oo ugu dambeyntii uu u geeriyooday, Waxa uu imaamka ahaa hogaamiye dhaqameed oo Islaami ah dowr weyne kaga jiray halganka lagu kor yeelayo kalimadda Towxiidka.
Gudoomiyaha golaha Nuqabada Wilaayada Islaamiga Shabeelada dhexe nabadoon Cali Biyow Gaafow ayaa warbaahinta u xaqiijiyay geerida Imaamkam, Isagoona ka hadlay taariikhda dahabiga ah ee Imaam Maxamuud Xaaji Xaamud.
Halkan Hoose Ka Dhageyso Xogta Geerida Imaam Maxamuud Xaaji Xaamud.