Imaarada Islaamiga ah ee Afghanistan, oo war kasoo saartay dilka Sheekh Mowlaanaa Samiicul Ah Oo Saacadihii lasoo dhaafay lagu dilay gudaha dalka Pakistan ayaa uga tacziyeysay Umada Musliminta ah iyo Eheladiisa, waxa ayna tilmaanta in cadawga islaamka ay ka dabneeyaan dilkiisa, kuwaas oo u dul qaadan waayey Kalimada Xaqa ah ee ka hor sheegayo Umada, sidoo kalena dhibsaday baraaruga uu ku dhex faafinayo dhali yarada Musliminta ah.
Waxa ay tir dilka Sheikh Samicul Xaq oo ahaa nin ad adag, xaqana u hiilin jiray, wuxuu khasaare weyn ku yahay dhamaan umada Musliminta ah ee caalamka ku dhaqan, gaar ahaana musliminta Pakistan, sida darted, waxaan u tacziyeyneyna dhaman qoyskiisa, Xizbiga Culimada Islamka Pakistan, dhamaan Xalaqaadka lagu barto diinta iyo Umada musliminta ah oo idil, Alaahna waxaan weydiisaneyna inuu geeyo Janaadkiisa mida ugu sareyso ee firdows, sabarna uu ugu deeqo ehaladii uu ka tagay iyo qof kasta oo ku tacaluqay faafintii uu faafinayey diinta islaamka.
Sheikha ayay sheegtay in dhamaan cumrigiisa uu kusoo qaatay Faafinta diinta Islamka, ilaa ugu danbeyn uu ku shahiiday gacanta kuwa dhagar qabayaal ah, allaha ka aqbale shahaadadiisa.
Imaarada Islaamiga ah ayaa tiri, shacabka reer Afghanistan, marna ilaabi doono howlihi wanaagsanaa ee uu Sheikha uu u qabtay Qadiyada Afghanistan iyo sidii uu ugu Nusreeyey markii ay wadankan kusoo duuleen Midowgi Soviet, iyo Salibiyinta hada jooga ee mareykanku hor boodayo intaba.
Ugu danbeyn qoraalkeeda ayay imaaradu ku sheegtay in wax shaki ah uusan ku jirin in Dilka Sheikh Samicul Xaq ay ka danbeyaan Cadawga Islamka, shaatigey doonaan ha wataane, kuwaas oo ay dhibeyso Shakhsiyada Adag ee sidan ah, taas oo bixineysa duruus ku aadan Baraaguga Islaamiga ah ee umada, waxa ayna Allah weydiisatay inuu fadeexeeyo oo uu ka aar goosto dadkii dilay Sheikhan 80 sano jirka ah.