Ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa dagaal culus ku qaaday magaalada Jalgah oo ka tirsan Wilaayada Meydan Work oo dhacda Bartamaha dalka Afghanistan,waxaa magaaladaasi saldhigyo iyo xarumo kale ku lahaa Xukuumadda Kaabul.
Gudaha iyo duleedka magaaladan waxaa ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan kaasi oo dhexmaray ciidamada Mujaahidiinta Dhaalibaan maleeshiyaatka maamulka Murtad Ashraf Gani.
Ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa ugu dambeyntii si buuxda ula wareegay gacan ku heynta magaalada Jalgah,iyadoona dagaalkan khasaara culus lagu gaarsiiyay Xukuumadda Ridada Kaabul.
Bayaan kasoo baxay Imaarada Islaamiga Afghanstan kuna saxiixanyahay Afhayeenka Imaarada Sheekh Dabiixullaahi Mujaahid ayaa lagu xaqiijiyay in ciidamada Mujaahidiinta ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta magaalada,Raayada Towxiidkana ay ka taageen Bartamaha magaalada Jalgah.
Qoraalka Imaarada ayaa lagu xusay in dagaalka lagula wareegay magaaladaasi lagu dilay 70 isugu jirta Saraakiil iyo askar ka tirsan maamulka Ridada Afghanistan kuwaasi oo badankooda baqtiyadooda ay daadsan yihiin Gudaha iyo duleedka magaaladaasi.
Ciidamada Mujaahidiinta Dhaalibaan ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay Todobo gaari isugu jirta noocyada kala duwan ee gaadidika dagaalka waxeyna sidoo kale gacanta ku dhigeen hub fara badan oo ka kooban hubka culus iyo midka fudud.
Sheekh Dabiixullaahi Mujaahid ayaa sidoo kale Bayaanka ku xusay in dagaalka Mujaahidiinta ay kula wareegeen gacan ku heynta magaalada Jalgah ay ku shahiideen Afar Mujaahid kuna dhaawacmeen Lix Kale oo ka tirsan ciidamada Mujaahidiinta.
Magaaladan ayaa noqoneysa Middii Labaad oo muddo 48 Saac gudahood ah ay dagaal kula wareegaan ciidamada Mujaahidiinta Dhaalibaan waxeyna saacadihii lasoo dhaafay ay la wareegeen degmada Khamaab oo ka tirsan Wilaayada Jowzjan ee dhacda Waqooyga dalka Afghanstan.
Lixdii Bilood ee u dambeysay waxey ciidamada Mujaahdiiinta la wareegeen gacan ku heynta inka badan 15 Degmo kuwaasi oo kala dhaca Konfurta,Waqooyga iyo Bartamaha dalka Afghanistan.