Ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa dagaal culus oo saacada socday ku qaaday Saldhiga iyo fariisimaha maleeshiyaatka Maamulka Ridada Kaabul ay ka sameysteen degmada Khawajah Gaar oo ka tirsan Wilaayada Takhar.
Dagaalka Markii muddo uu socday ayeey maleeshiyaatka Murtadiinta bilaabeen iney isaga cararaan degmada,iyadoona dhanka kale ay jirta khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed oo maamulka Murtad Ashraf Gani lagu gaarsiiyay Dagaalkaasi.
War rasmi ah oo kasoo baxay Imaarada Islaamiga Afghanistan kuna saxiixanyahay Afhayeenka Imaarada Sheekh Dabiixullaahi Mujaahid ayeey Imaaradu ku xaqiijisay in ciidamada Mujaahidiinta ay si buuxda Ula wareegeen gacan ku heynta magaalada Khawajah Gaar islamarkaana Raayada Towxiidka laga taagay bartamaha magaaladaasi.
Sidoo kale Bayaankan ayaa xusay in ciidamada Mujaahidiinta Dhaalibaan ay sii baacsanayaan Haraadigii maleeshiyaatka Maamulka Ridada Kaabul kuwaasi oo u baxsaday deegaanada dhaca duleedka degmadaasi.
La wareegidda Mujaahidiinta Dhaalibaan ay la wareegeen magaaladan dhacda Waqooy Bari dalka Afghanistan ayaa kusoo aadeysa xilli Labo Todobaad ka hor ciidamada Mujaahidiinta sidoo kale ay la wareegeen gacan ku heynta Xad Beenaadka u dhaxeeya Afghanistan Iyo Tajikistan.
Tan iyo markii Shan Bilood ka hor Imaarada Islaamiga Afghanistan ay ku dhawaaqday Xamlo dagaaleedka Al-khandaq waxey ciidamada Mujaahidiinta Dhaalibaan la wareegeen inka badan Toban magaalo kuwaasi oo badankooda dhaca Waqooyga dalka Afghanistan.
Calamada.com