Kadib dagaallo shan maalmood oo xiriir ah qaatay, ciidamada Imaarada islaamiga ee Afghnistan waxay ku guuleystaan iney gacanta ku dhigaan magaalo muhiim ah oo dhacda bartamaha wadankaas, taas oo ay ku badanyihiin shiicada.
Degmada Maalistaan oo hoostagta gobolka Qazni ayaa waxaa si buuxda ula wareegay ciidamada Dhaalibaan, waxaana laga taagay raayada Imaarada.
Malleeshiyaad shiico ah oo ka amar qaata dowladda Maraykanka ayaa magaaladan kula dagaallamay Mujaahidiinta, kuwaas oo sanooyinkii lasoo dhaafay maamulayay, balse ugu dambeyn waxaa lagu qasbay iney cararaan.
Imaarada Afqaanistaan ayaa xilli hore dooneysay iney la wareegto, balse xilli dambe waxay iska dhaaftay weerarkii ay ku heysay, iyadoona qaadatay istiraatiijiyad ah iney la wareegto degmooyinka ku hareereysan degmada Maalistaan, taas oo suuragelin karta in si fudud lagu qabsado.
Waana sida dhacday, waxaana la wareegitaanka degmadan ay muhiimad gaar ah u leedahay Jihaadka ay dalka Afqaanistaan ka wado Imaarada, maadaama markan ay si toos ah isugu xirmi doonaan gobollada koonfureed ee ay Imaaradu maamusho iyo gobollada dhaca bartamaha wadanka Afqaanistaan.