Ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga ee Afghanistan waxay dagaal kula wareegeen magaalo muhiim ah oo ka tirsan Wilaayada Faraah ee dhacda galbeekda Afghanistan.
Ciidamada Imaarada ayaa gacan ku heynta degmada Shabkuwah ee gobolka Faraah waxay ka fara maroojiyeen maleeshiyaatka xukuumadda Ridada Kaabul, kadib dagaal qaatay in muda ah, waxayna Imaaradu sheegtay iney soo gudbin doonto faafaahin dhameystiran oo ku aadan sida uu u dhacay dagaalkaas.
Howlgalka Al-khandaq ayaa si firfircoon wuxuu uga socdaa guud ahaan wadanka Afghanistan, waxaana xusid mudan in howlgalka Al-khandaq si aad ah loogu dhiig bixiyo Isbaheysiga Saliibiga ee Mareykanka horkacya iyo kuwa maamulka Ridada Kaabul.
Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa inta badan gacanta ku heysa oo maamusha dhulka Ballaaran ee uu ka koobanyahay dalka Afghanistan.