Ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa dagaal culus kula wareegay gacan ku heynta Magaalada Qowshteybah oo ka tirsan Wilaayada Aruzjaan oo dhacda Waqooyga Dalka Afghanistan.
Ciidamada Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa Dagaalka ay kula wareegeen Magaaladan ku dilay inka Badan Toban askari oo ah Maleeshiyaatka Xukuumadda Kaabul, Waxeyna ku dhaawaceen Shan Iyo Labaatan Askari.
Sidoo kale Ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa nolasha ku qabtay (78) Todobaatan Iyo Sideed Askari oo ah Maleeshiyaatka Maamulka Kaabul ee Mareykanka uu ka dhistay gudaha Afghanistan.
Dagaalka Ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ay kula wareegeen Gacan ku heynta Magaalada Qowshteybah ayaa qeyb ka ah Xamlo Dagaaleedka Al-fatxi ee Afar Bilood ka hor ay ku dhawaaqday Imaarada Islaamiga Afghanistan, Waxeyna Magaaladan noqoneysaa Midii Todobaad oo Muddo Afar Bilood Gudahood ah ay la wareegaan Ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan.
Calamada.com