Xildhibaanno iyo dublumaasi ka kala tirsan dowladaha saliibiyiinta Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa taageero u muujiyay dowladda xabashida iyo heshiiskii dhexmaray Muuse Amxaar iyo Abiy Axmed, kaas oo nasaarada xabashida lagu siiyey qeybo ka mid ah badda Soomaaliya.
Tibor Nagy oo ah safiirkii hore ee Mareykanka u fadhiyay Itoobiya, sidoo kalena soo noqday kaaliyihii hore ee xog-hayaha arrimaha Africa, ahna diblumaasi American ah oo kasoo shaqeeyey geeska Africa, ayaa ka hadlay carada dadka Soomaaliyeed ay ka muujiyeen heshiiska xaaraanta ah ee Itoobiya lagu siiyey xeebaha Soomaaliya.
Isagoo ka jawaabaya waxa uu ku tilmaamay in kooxda Riddada ah ee fadhigeedu yahay Muqdisho ay ka xumaatay tallaabadaas ayuu yiri: “Dabcan dowlada Somalia waxay abuureysaa xiisad ku saabsan heshiiska dekedaha ee dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland, halkii ay ahayd inay ku mashquusho duruufaha ay la daala dhaceyso. Maxay ummad fiyow ka qaban lahayd deked Soomaaliyeed iyadoo dadkeeda ay ku jiraan qas iyo fowdo. Marka hore Hagaaji dhibaatooyinkaaga kahor intaadan ka welwelin dadka deriskaaga ah” ayuu yiri.
Dhanka kale xildhibaan ka tirsan xisbiga talada haya ee dowladda Ingiriiska oo lagu magacaabo Gavin Williamson ayaa taageero u muujiyay, soona dhaweeyay heshiiskii Itoobiya lagu siiyay qaybo ka mid ah khayraadka umadda Soomaaliyeed.
Hadalladan kasoo kala yeeray xildhibaannada iyo diblumaasiyiinta Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa muujinaya sida ay dowladahaas wax uga ogyihiin heshiiskii dhagarta ahaa ee xabashida lagu siiyey 20km oo ka mid ah badda Soomaaliya.